DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin rasmi ah ka bixisay ciidamada milatariga Soomaaliya ee bilihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo la sheegay inay gudaha Itoobiya ku galeen hab aan waafaqsanayn nidaamka iyo habraacyada sharciga ah.

Hoggaanka Nabadgelyada Dowladda Deegaanka Soomaalida, Cabdulqaadir Rashiid Ducaale, ayaa xaqiijiyey jiritaanka ciidamadaas, isagoo sheegay inay ku yimaadeen kooxo kala duwan, isla markaana aysan wadan caddeymo ku filan oo lagu xaqiijinayo ujeeddada safarkooda.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ciidamadaasi ay sheegeen inay fasax ku joogeen, balse gelitaankooda xadka Itoobiya uusan waafaqsanayn habraacyada sharciga ah, taasoo keentay in loo baahdo xaqiijin iyo hubin rasmi ah.

Cabdulqaadir Rashiid ayaa sheegay in arrintan ay hadda ku howlan yihiin labada dowladood, isla markaana ay socdaan wadahadallo diblomaasiyadeed oo la doonayo in xal rasmi ah looga gaaro xaaladda ciidamadaas.

Wararka la xiriira arrintan ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada laga daadgureeyey magaalada Jigjiga loona wareejiyey magaalada Diridhaba, inkasta oo faahfaahinta wareejintaas aan lagu caddeyn bayaanka rasmiga ah ee la soo saaray.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay arrintan ka wada hadleen, iyadoo ay suuragal tahay in ciidamada dib loogu celiyo Soomaaliya, laguna qaado diyaarado. Hase yeeshee, faahfaahinta qorshahaas iyo waqtiga la fulinayo weli si rasmi ah looma xaqiijin.

Dhanka kale, Hoggaanka Nabadgelyada Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin iyo xogaha been-abuurka ah ee la xiriira ciidamada, isagoo ka digay in wararkaasi ay abuuri karaan jahawareer iyo walaac aan loo baahnayn.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay muhiimad gaar ah leedahay xiriirka amni iyo diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac laga sugayo inay si rasmi ah u caddeeyaan xaaladda ciidamada, sababta ay xadka uga gudbeen iyo tallaabada laga qaadayo.

WARARKII KALE

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Laftagareen oo culeys saaray deegaanada KGS

Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis...

Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray safarrada xilliga roobabka

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa...

Xuutiyiinta oo uga digay Mareykanka inay jawaab “xanuun badan” ka bixin doonnaan haddii uu soo farageliyo

Xuutiyiinta ayaa Maraykanka uga digay in uu wajihi doono...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles