Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iran.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Newsmax ayuu sidoo kale ku sheegay inuusan ka fikirayn in ciidamada Mareykanka ee dhulka loo diro gudaha Iran.
“Ma adeegsan doono hubka nukliyeerka. Uma baahnin inaan sidaas sameyno,” ayuu yiri Trump.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay bamka loo yaqaan “Mother of All Bombs” (Bamka Hooyada Bambooyinka), kaas oo CNN ay sheegtay in laga yaabo in la tixgeliyo adeegsigiisa weerarro suurtagal ah. Trump ayaa sheegay inuu yahay bam aad u awood badan, balse aanu ahayn hub nukliyeer ah.
“Waa bam aad u weyn, laakiin ma aha mid nukliyeer ah,” ayuu yiri.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu weerar kale ku qaadi karo xarumaha nukliyeerka Iran, oo ay ku jirto goobta Koh Kalang.
Qayb kale oo ka mid ah wareysiga, ayuu Trump ku sheegay in Mareykanku uu wadahadallo kala leeyahay Ruushka iyo Shiinaha sidii loo dhimi lahaa hubka nukliyeerka.


