Jubbaland oo Xasan Sheekh ku eedeysay inuu dalka geliyey xaalad cakiran

Maamulka Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu Soomaaliya geliyey xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo sii cakirmaysa, xilli ay dalka ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed iyo xiisado ka jira deegaanno kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdi Fatax Maxamed Mukhtaar, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku tilmaamay muddo-dhaaf, uu halkii uu xoogga saari lahaa heshiis qaran, amniga iyo mideynta shacabka, dalka geliyey loollan awoodeed iyo khilaafaad siyaasadeed.

Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay xiisadaha ka jira Baydhabo, Baraawe, Beledweyne, Marka iyo Muqdisho, isagoo sheegay in xaaladaha ka taagan magaalooyinkaas ay muujinayaan sida siyaasadda Soomaaliya ugu dhex milantay loollanka awoodda.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday khilaafaadka kala dhexeeya dowladda Federaalka maamullada Jubbaland iyo Puntland, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuusan ku guuleysan inuu xal u helo khilaafaadkaas.

Cabdi Fatax Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in ciidanka qaranka aan loo adeegsan karin ilaalinta kursi siyaasadeed, isagoo ku dooday in khilaafaadka siyaasadeed aan lagu xallin karin awood ciidan, balse loo baahan yahay in la ilaaliyo sharciga iyo dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara go’aannada uu qaato Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo dalka dhaawacda ama horseedda dhiig daata ay yeelan doonto isla-xisaabtan sharci iyo mid taariikheed.

Qoraalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka, kuwaas oo salka ku haya arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed.

WARARKII KALE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qayb galay munaasabadda dhaarinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kulan la yeeshay ciidamo cusub oo ku biiraya CXDS

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal...

Qatar oo sheegtay in xiisadda gobolka aan laga tagi karin iyadoo aan xal loo helin

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Maxamed...

Trump oo u hanjabay Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh “Qof siyaasad u xiran maanta ma jiro, qofkii dacwad qaba waxaa inoo jira garsoor”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khudbad uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles