Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta hareereeyay xarunta Ururka Qareennada Soomaaliyeed, halkaas oo ay qorsheynayeen in qareennadu ku qabtaan doorashada hoggaanka ururka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku ay qareennada ku wargeliyeen inay joojiyaan howlaha doorashada, taas oo sababtay in gebi ahaanba hakad la geliyo hannaankii doorashada hoggaanka Ururka Qareennada Soomaaliyeed.
Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli uu khilaaf ka dhex taagan yahay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed, kaas oo la xiriira hannaanka iyo waqtiga la qabanayo doorashada hoggaanka ururka.
Faragelinta ciidamada Booliiska ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sababta loo hor istaagay doorashada iyo cidda bixisay amarka lagu joojinayo howlaha doorashada.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Booliiska Soomaaliya oo lagu faahfaahinayo sababta ciidamadu u hareereeyeen xarunta ururka iyo tallaabada xigta ee laga qaadayo doorashada.


