Golaha wakiiladda Galmudug oo ansixiyay Xukuumadda Cusub ee Liibaan Shuluq

Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xukuumadda cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib kulan ka dhacay xarunta Golaha ee magaalada Dhuusamareeb.

‎Kulanka 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, oo ay wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan. Ajandaha kulanka ayaa ahaa ansixinta Xukuumadda cusub ee Galmudug.

‎Hoggaamiyaha Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo kulanka ka horjeediyey khudbad uu ku faahfaahiyey qorshaha iyo jihada siyaasadeed ee Xukuumadda cusub, ayaa Golaha u soo bandhigay barnaamijka shaqo ee Xukuumaddiisa, isaga oo sidoo kale ka codsaday xildhibaannada inay siiyaan codka kalsoonida si ay u gudato waajibaadka loo igmaday.

‎Kaddib soo bandhigidda qorshaha Xukuumadda iyo doodda Golaha, Guddoomiyaha Golaha ayaa cod u qaaday Xukuumadda cusub, waxaana natiijada codbixinta ku dhawaaqay Guddoomiyaha, isaga oo xaqiijiyey in Xukuumadda lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah.

‎Ansixinta Xukuumadda cusub ayaa dhammaystiraysa marxalad muhiim ah oo ka mid ah hannaanka dhismaha hay’adaha Dowladda Galmudug, iyadoo Xukuumadda u suuragelinaysa inay si rasmi ah u bilowdo gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah iyo hirgelinta qorshayaasha ay Golaha u soo bandhigtay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo diiday go’aamada Muqdisho, difaacayna heshiisyada Puntland la gashay Imaaraadka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland...

Ciidamo la wareegay xarunta ururka qareenada Soomaaliyeed

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta hareereeyay xarunta...

Midowga Afrika oo maanta ka shiraya mustaqbalka AUSSOM iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa maanta oo...

Taiwan oo wakiil cusub u magacawday Somaliland, xilli uu cadaadis kala kulmayo Shiinaha iyo Soomaaliya

Dowladda Taiwan ayaa wakiil cusub u magacawday Somaliland, kaddib...

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles