Wednesday, March 12, 2025

Puntland oo Boosaaso ka wada howlgallo culus oo ka dhan ah Daacish

Howlgallo culus oo lagu xaqiijinayo amniga ayaa ka billowday magaalooyinka waaweyn ee maamulka Puntland, iyadoo xoogga la saarayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xalay ilaa saaka, ciidamada amniga gobolka Bari ayaa xaafadaha kala duwan ee Boosaaso ka sameeyay baaritaanno ballaaran oo lagu baadi goobayo xubno ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidamadu waxay galeen xaafado dhowr ah, halkaas oo ay ku soo qabteen dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin falal amni-darro oo magaalada ka dhacay.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa xaqiijiyay in dadkii lagu soo qabtay howlgalka lagu hayo gacanta hay’adaha baarista gobolka Bari, si loo hubiyo kiiskooda. Waxay sheegeen in haddii dembi lagu helo eedeysanayaasha, loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ciidamada amnigu ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan nabadgelyada magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda. Ciidamada gobolka Bari ayaa sidoo kale dagaal ba’an kula jira kooxda Daacish oo ay kula dagaallamayaan buuraha Cal Miskaad.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalladan lagu baacsanayo cid kasta oo ku lug leh amni-darrada, isla markaana loo diyaarsan yahay in magaalada laga ciribtiro falalka qalalaasaha ah.

Howlgallada ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo la adkeynayo ammaanka guud ee magaalada.

WARARKII KALE

Maxey Ka Wada Hadlen Cali Guudlawe iyo Mr. Richard H. Riley.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo waqti...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Sudan ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NISA oo sheegtay in duqeyn lagu dilay Horjoogayaashii Qaraxyada iyo Maaliyadda gobollada Banaadir iyo Sh Hoose

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska NISA ayaa waxaa lagu...

Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo anisixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

MW Deni oo ganacsada kala hadlay la dagaalanka kooxda Daacish.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles