Puntland oo Boosaaso ka wada howlgallo culus oo ka dhan ah Daacish

Howlgallo culus oo lagu xaqiijinayo amniga ayaa ka billowday magaalooyinka waaweyn ee maamulka Puntland, iyadoo xoogga la saarayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xalay ilaa saaka, ciidamada amniga gobolka Bari ayaa xaafadaha kala duwan ee Boosaaso ka sameeyay baaritaanno ballaaran oo lagu baadi goobayo xubno ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidamadu waxay galeen xaafado dhowr ah, halkaas oo ay ku soo qabteen dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin falal amni-darro oo magaalada ka dhacay.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa xaqiijiyay in dadkii lagu soo qabtay howlgalka lagu hayo gacanta hay’adaha baarista gobolka Bari, si loo hubiyo kiiskooda. Waxay sheegeen in haddii dembi lagu helo eedeysanayaasha, loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ciidamada amnigu ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan nabadgelyada magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda. Ciidamada gobolka Bari ayaa sidoo kale dagaal ba’an kula jira kooxda Daacish oo ay kula dagaallamayaan buuraha Cal Miskaad.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalladan lagu baacsanayo cid kasta oo ku lug leh amni-darrada, isla markaana loo diyaarsan yahay in magaalada laga ciribtiro falalka qalalaasaha ah.

Howlgallada ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo la adkeynayo ammaanka guud ee magaalada.

WARARKII KALE

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo Anshax Xumada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta...

14-ka Oktoobar: Xusuusta qaraxii Soobe iyo maalintii Muqdisho ay murugadu qarisay

14-ka Oktoobar waa maalin murugo leh oo taariikhda Soomaaliya...

Jadwal doorasho oo la ogyahay cida noqonaysa hoggaanka Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay in 22-ka October la qabanayo...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar lagu Taabbo-gelinayo Dastuurka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul...

Netanyahu oo wajahaya Cadaadis sii kordhaya toddobaad ka hor doorashada Israa’iil

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in madaxa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles