Sunday, June 21, 2026

IGAD oo Soomaaliya kala shaqaynaysa ilaalinta deegaanka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Iseddalka Cimilada JFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah maanta Xarunta La qabsiga Isbeddalka Cimilada iyo Ilaalinta ee Deegaanka Urur gobaleedka IGAD ee magaalada Muqdisho kula yeeshay Agaasimaha Xaruntaas, Danjire Jamaal Maxamed Xasan. Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur gobaleedka IGAD ee wax ka qabshada La-qabsiga, U Adkeysiga Isbeddalka Cimilada iyo ilaalinta Deegaanka oo ay dunida xilligaan ku bixinayso juhdi iyo dhaqaalo badan.

Agaasimaha Xarunta dhexe ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka Ee Urur gobaleedka IGAD, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbixin dhammaystiran ka siiyay Wasiirka, Shaqooyinka iyo howlaha baaxadda leh ay ka hayso gobalka Xarunta ICECAEP, Sidoo kalana la wadaagay Istaarajiyadda La-qabsiga Isbadalka Cimilada ee 2023-20230 taasi oo ay ku cadyahiin qeybaha la doonaya in wax looga qabto Soomaaliya iyo Gobolka, isla markaana ballanqaaday in doorka Soomaaliya ay ka go’an tahay inuu kaaalin macno wayn leh ka qaato.

Wasiirka Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa ballanqaaday in si dhow ula shaqeyn doonan Xafiiska Xarunta Sare ee La-qabisga Isbadalka Cimillada iyo Deeganka Urur gobaleedka IGAD, ka dowladd federaal ahna ay garab istaagi doonaan howlaha kala duwan ee sida wadjirka ah loo wajahayo ee wax ka qabshada u baahan, Sida La.-qabsiga, U-adkeyga, Maareynta Deegaanka iyo taageidda bulshooyinka nugal ee saameysay Fatahaadaha, Abaaraha iyo Masiibooyinka Dabiiciga ah.

Ugu damneyn Wasiirka ayaan waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo khuburro kale, iyada oo la isku afgartay dardar-gelinta howlaha horutabinta leh ee labada dhinac sida wadajir ah u waddaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Aadan Madoobe oo maanta wareejiyay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

DF oo war ka soo saartay dagaalka Jalalaqsi iyo wafdi nabadeed oo loo diray degmada

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal beeleedka...

Ciidanka xoogga oo Jubbada Hoose ku qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal...

RW Xamsa oo daahfuray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

QoorQoor iyo Mahad Salaad oo wada-hadallo ugu socda Dhuusamareeb 

Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles