Sunday, August 31, 2025

IGAD oo Soomaaliya kala shaqaynaysa ilaalinta deegaanka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Iseddalka Cimilada JFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah maanta Xarunta La qabsiga Isbeddalka Cimilada iyo Ilaalinta ee Deegaanka Urur gobaleedka IGAD ee magaalada Muqdisho kula yeeshay Agaasimaha Xaruntaas, Danjire Jamaal Maxamed Xasan. Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur gobaleedka IGAD ee wax ka qabshada La-qabsiga, U Adkeysiga Isbeddalka Cimilada iyo ilaalinta Deegaanka oo ay dunida xilligaan ku bixinayso juhdi iyo dhaqaalo badan.

Agaasimaha Xarunta dhexe ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka Ee Urur gobaleedka IGAD, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbixin dhammaystiran ka siiyay Wasiirka, Shaqooyinka iyo howlaha baaxadda leh ay ka hayso gobalka Xarunta ICECAEP, Sidoo kalana la wadaagay Istaarajiyadda La-qabsiga Isbadalka Cimilada ee 2023-20230 taasi oo ay ku cadyahiin qeybaha la doonaya in wax looga qabto Soomaaliya iyo Gobolka, isla markaana ballanqaaday in doorka Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay inuu kaaalin macno wayn leh ka qaato.

Wasiirka Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa ballanqaaday in si dhow ula shaqeyn doonan Xafiiska Xarunta Sare ee La-qabisga Isbadalka Cimillada iyo Deeganka Urur gobaleedka IGAD, ka dowladd federaal ahna ay garab istaagi doonaan howlaha kala duwan ee sida wadjirka ah loo wajahayo ee wax ka qabshada u baahan, Sida La.-qabsiga, U-adkeyga, Maareynta Deegaanka iyo taageidda bulshooyinka nugal ee saameysay Fatahaadaha, Abaaraha iyo Masiibooyinka Dabiiciga ah.

Ugu damneyn Wasiirka ayaan waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo khuburro kale, iyada oo la isku afgartay dardar-gelinta howlaha horutabinta leh ee labada dhinac sida wadajir ah u waddaan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles