Laba diyaaradood oo ku dhacay duleedka Washington

Diyaarad rakaab ah iyo mid kale oo helikobter ah ayaa ku dhacay meel u dhow garoonka qaranka Reagan ee duleedka Magaalada Washington, DC,sida ay ka dhawaajiyeen Aqalka Cad iyo Hey’adda duulimaadyada ee Mareykanka.

Labadaan diyaaradood oo lagu sheegay jet iyo Black Hawk ayaa ku dhacay wabiga Potomac ee duleedka  Magaalada Washington,kadib markii ay isku jiireen hawada.

Diyaaradda rakaabka ah ee ay leedahay shirkadda American Airlines ayaa lagu waramay in ay sidday 60 ruux iyo 4 shaqaale ah,halka diyaaradda kale oo aheyd kuwa qumaatiga u kaca ay sidday 3 sarkaal oo ciidanka ah.

ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay labadaasi diyaarad ee isku dhacay.

Diyaaradda rakaabka ah ayaa ka soo duushay magaalada Wichita ee gobolka Kansas ee dalka Mareykanka, waxayna ku soo socotay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in hay’ado badan ay ka qeyb qaadanayaan baadigoobka iyo samata bixinta haddii ay jiraan dad ka badbaaday shilalkaasi,waxaana si ku meel gaar ah loo joojiyay dhammaan duullimaadyada baxaya iyo kuwa soo dagaya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in lagu wargeliyay shilkaasi , wuxuuna ka mahadceliyay gurmadka degdegga ah iyo shaqada cajiibka ah ee halkaasi ka socota.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles