Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay madaxda hay’adda UNOPS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda hay’adda UNOPS, Hydra Nova iyo Madaxda xafiiska Bangiga Adduunka (World Bank) u qaabilsan Mashruuca Nagaad ee lagu horumarinaayo Kaabayaasha Muqdisho.

Hay’adda UNOPS, Hydra Nova iyo Agaasimaha howlaha guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku aadan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal waara loogu heli lahaa biya-mareenada Muqdisho, dhameystirka naqshada biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages) oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystiraayo iyo qorshaha lagu dhisaayo waddooyin cusub oo laami ah oo iyaduna bartamaha bisha February la saxiixayo heshiiskeeda dhismo.

Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay dar-dargelinta qorshaha lagu dhisaayo biya-mareennada caasimadda, si xal waara looga helo dhibaatooyinka soo wajaha Magaalada Muqdisho xilli roobaadka, asigoona faray madaxda howlaha guud iyo hay’addaha in sida ugu dhaw loo bilaabo dhisamaha biyo mareennada magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles