Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan kumaandooska Danab

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa maanta gaaray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu tababar ugu soo xiray dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab.

Dufcadan oo tababarkooda ku qaatay Dugsiga tababarka gaashaanle Xasan Tuure, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula kooxaha Khawaarijta ah, kuwaas oo howlgalladii ugu dambeeyay howlgalo ka soo hooyay.

Intii uu ku sugnaa xerada Balidoogle, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad ayaa waxuu kormeeray cutubyada ciidamadda, isagoo dhiirrigelin u jeediyay ciidamada cusub ee tababarka dhammaystay. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay ciidamada Danab u leeyihiin Difaaca Dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles