Monday, September 1, 2025

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday is af-garad maalgashi oo ku saabsan kalluumeysiga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ka socda Dowladda Turkiga, kuwaas oo u yimid dalka sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen Kalluumesiga iyo Kheyraadka Badda.

Ujeedka kulankani, ayaa qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii difaac iyo iskaashiga dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo xoojinayay ka faaโ€™iidaysiga kheyraadka badda.

Soomaaliya Baddeeda waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay biyaha ugu khayraadka badan ee galbeedka badweynta hindiya, sidaa darteed haddii si wanaagsan loo maalgeliyo Soomaaliya waxay kaalinta hore ka gali kartaa wax soosaarka kalluunka caalamka.

Ka dib markii ay Wasaaradda kalluumeysigu ay dibu habayn ku samaysay sharciga kalluumeysiga dalka, iyo dhammaan xeerarkii sahlayey in maalgashi lagu sameeyo kheyraadka badda, Waxaa muuqata in daneeyeyaal badan ay diyaar u yihiin Maalgashiga Kalluunka Soomaaliya oo ay Dowladda Turkiga ugu horeyso.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles