Madaxweynaha Hirshabeelle oo gudoomiyay shirka amniga Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay shirka amniga Dowladda Hirshabeelle.

Shirkaan ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, Howlgallada lagu ciribtirayo kooxda al shabaab dardargelinta iyo sare u qaadida tababarada qeybkaha kala duwan ee Ciidamada iyadoo shirkaan warbixinno looga dhageystay saraakiisha amaanka oo ka warbixiyay amniga guud ee deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlgallada baaxada leh ee lagu baacsayo Al shabaab ee ka socda deegaanada dhaca jiinka wabiga ee hoos taga Degmada Buulo burde, isagoo qeybaha kala duwan ee Ciidanka qalabka sida iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka kula dardaarmay baabi’inta cadowga arxanka daran.

Madaxweynaha ayaa laamaha aminiga kula dar daarmay adkeynta aminiga Caasimadda, iyadoo shirka lagu soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan sidii loo xoojin lahaa amniga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles