Thursday, June 25, 2026

Mareykanka oo Dilay Xubno Sare oo ka Tirsan Daacish Kadib Duqeyn ka Dhacday Puntland

Ciidanka Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda ISIS-Soomaaliya (Daacish).

Duqeymahan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo ay kooxda ku lahayd dhulka buuraleyda ah ee ku dhow Boosaaso, iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeymuhu si gaar ah u beegsadeen hoggaanka sare ee ISIS-Soomaaliya. Xarumaha la duqeeyay ayaa ahaa godad ay dagaalyahannadu si aad ah ugu dhuumaaleysanayeen, kuwaas oo ku yaalla qiyaastii 50 mayl dhanka koonfur-bari ee Boosaaso.

Sida ay sheegtay AFRICOM, duqeymaha ayaa lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan ISIS, oo ay ku jiraan xubno sare oo hoggaan ah. “Qiimeynta hadda ee taliska waxay muujinaysaa in ilaa 14 dagaalyahan oo ka tirsan ISIS-Soomaaliya la dilay, iyadoo aan waxyeello loo geysan dad rayid ah,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa Axmed Maeleninine, oo Mareykanku ku tilmaamay xubin muhiim u ah ISIS-Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka hormuudka ka ahaa qorista dagaalyahannada, maalgelinta kooxda, iyo abaabulka weerarrada dibadda, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayay Mareykanka iyo Yurub.

Dagaalka ka dhanka ah ISIS ee ka socda gobolka Bari ayaa galay marxalad adag, waxaana si dhow iskaga kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwa ammaanka Puntland, iyo Mareykanka oo bixiya taageero dhanka duqeymaha cirka ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dadaalladeeda la dagaallanka ISIS-Soomaaliya ay diiradda saarayaan in la wiiqo awoodda kooxda, si looga hortago khataraha ay u horseedi karto gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles