Wednesday, May 27, 2026

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u Yeertay Hantidhowraha Guud ee Qaranka

Muqdisho  Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad rasmi ah u dirtay Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale, kaas oo lagu eedeeyay falal culus oo la xiriira ku tagrifalka awoodda iyo is hortaagga howlaha garsoorka.

Warqadda kasoo baxday maxkamadda ayaa si cad u xustay in Guutaale uu faragelin ku sameeyay madax-bannaanida garsoorka, taasoo keentay in xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka uu si rasmi ah ugu soo jeediyo eedeymo culus oo ka dhan ah mas’uulkan.

Sida ku cad qoraalka maxkamadda, eedaha loo haysto Axmed Ciise Guutaale ayaa isugu jira:

Faragelin toos ah oo ka dhan ah garsoorka dalka – Waxaa lagu eedeeyay inuu si cad ugu xadgudbay madaxbannaanida garsoorka, isagoo faragelin ku sameeyay go’aanno maxkamaddu gaartay.

Is horistaagga kharashaadka maxkamadda – Waxa uu la sheegay inuu hakiyay ama hor istaagay dhaqaalihii loogu talagalay in lagu socodsiiyo howlaha maxkamadaha iyo diiwaangelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

Diidmada go’aannada maxkamadda ee la xiriira dhulka – Waxa uu ka hor yimid go’aamo ay maxkamaddu ka soo saartay muranada la xiriira lahaanshaha dhulka.

Dhammaan eedeymahan ayaa sababay in maxkamaddu amar rasmi ah ku bixiso in Guutaale uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo xaadiro Maxkamadda Gobolka Banaadir, si uu uga jawaabo eedaha loo heysto.

Eedeymaha loo jeediyay Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa ah kuwa xasaasi ah, maadaama uu yahay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda. Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa khilaaf xoogan oo ka dhex jira hay’adaha dowladda, gaar ahaan laamaha garsoorka iyo kuwa la dagaallama musuqmaasuqa.

Illaa iyo hadda, Hantidhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay, balse waxaa la filayaa inuu ka hor muuqdo maxkamadda maalmaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii tareenka ee Pakistan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar...

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Barakeysan ee Carafo

Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Xisbullah

Ciidanka milateri ee Israa’iil ayaa sheegaya inuu bilaabay mowjad...

Mareykanka oo weerar ku qaaday Koofurta Iran

Maraykanku wuxuu sheegay inuu qaaday duqeymo cusub oo ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles