Wednesday, April 8, 2026

Abiy Ahmed oo Booqasho Ku imanaya Magaalada Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in beri oo Khamiis ah soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana hadda socda qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Abiy hoggaaminayo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga soo xigtay masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Abiy iyo wafdigiisa beri u imaanayaan magaalada Muqdisho dhameestirka heshiiskii ay horey Turkiga ugu gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku imaanayo dalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga horudhaca ah diyaarinayaan wadahadalka iyo sidoo kale goobaha uu tagayo Abiy marka uu dalka yimaado.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana si weyn loo sii adkeenayaa, waxaana la filayaa in beri la xiro inta badan wadooyiinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho inta ay joogaa Muqdisho wafdiga uu hoggaaminayo Abiy Axmed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo meel xun horey u gaaray khilaafkooda ayaa dowladda Turkiga ku guuleesatay in madaxda labada dal wada fadhiisiso ayna heshiis ka gaaraan khilaafka labada dal u dhaxeeya ay ugu horreysay arrinta heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

 

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles