Friday, January 16, 2026

Dagaal ka socda deegaanka Biya Cadde ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Wararka ka imaanaya  gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in  deegaanka Biyo cadde  uu ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal katirsan Shabaab ay weerar ku soo qadeen fariisimo ay ciidanka dowladda ku lee yihiin deegaanka Biyo cadde. waxaana la maqlaya dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka, ayaa sheegaya  in xaalada ay kacsan tahay, isla markaana ay dareemayaan cabsi madaama dagaalka uu yahay mid xooggan.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhasahy dagaalka, madaama dagaalka uu weli ka socdo deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saacadihii u dambeeyay xoogga saarayay abaabulka ciidamadaan Federaalka iyo Kuwa deegaanka ee Macawiisleyda si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah ‘Al-shabaab’ ee ka socda Hir-Shabeelle.

Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay weerar ku qaadayay saldhigyada cioidamada xoogga ay ku leeyihiin deegaanada ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo tagay Laascaanood

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu...

Bandow lagu soo rogay Laascaanood iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Maamuka Waqooyi Bari ayaa 48 saac ee soo socda...

Somaliland oo ka digtay in colaad hor leh laga abuuro deegaanadeeda

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si...

RW Xamsa iyo wafuud kale oo maanta tagaya Laascaanood

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Laascaanood, oo ah...

Shir looga hadlay sugida ammaanka oo xalay ka dhacay Laascaanood

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi bari Cabdulqaadir Firdhiye ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles