Friday, May 9, 2025

Xildhibaanada oo maanta dood ka yeeshay mooshin ku saabsan ilaalinta Xasaanada iyo safarada Xildhibaanada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ah kalfadhiga lixaad kulankiisa labaad.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Guddiga Cadaaladda, Garsoorka, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka uu xildhibaanada ka codsaday in dib loogu dhigo akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedkan si ay usoo dhameystiraan arrimo farsamo oo hindise sharciyeedkan la xiriira.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa fadhiga ka sheegay in guddoonka uu soo gaaray mooshin ama soo jeedin ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha kaasoo oo ku saabsan ilaalinta Xasaanada iyo safarada Xildhibaanada.

Xildhibaanada oo cod gacan taag ah ku ogolaaday in ajendaha la xiriirta mooshinkaas lagu daro ajendaha maanta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo xasaanada Xildhibaanada, safarada ay ku tagayaan deegaan doorashadooda iyo inaan lagu xadgudbin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana xildhibaanada haray ay aragtidooda dhiiban doonaan kulanka xiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Daawada, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ceymiska iyo Heshiisyada u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku saabsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Koofur galbeed oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Jubbaland oo ka hortimid qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka

Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si adag...

Lafta gareen oo ka tagay Muqdisho, kadib markii ay MW Xasan Sheekh isku fahmi waayeen xisbiga Cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta...

DFS oo qorsheynaysa inay maamul cusub u dhisto Jubbaland iyo khilaafka oo weji cusub yeeshay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa  inay maamul goboleed cusub...

Mareykanka oo $10 Milyan Dul Dhigay Madaxa Cabdullahi Banati

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay abaalmarin lacageed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles