Wasiirka Qoyska XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee kusoo dhaawacmay Hawlgallada

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay caawa ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo u badneyd dhar ka kooban Macawiisyo, go’yasl Iyo bust ayaan ayey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka wada gaadhsiisay dhammaan dhaawacyada Ciidammada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Xoogga

waxaana Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo la hadashay ciidammada ay sheegtay in geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo diintooda ay wax walba mudan yihiin ayadoo caafimaad Alle uga rajeysay.

Tallaabadan ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi deeqaha ugu qeybisay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay qeyb ka tahay ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed

oo ay Wasaaraddu deeqo kala duwan ku gaarsiineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo caawa socodka ay ku wehliyeen Wasiirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo guddiga ololaha Guddoomiye u ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay magaalada New York Dhigiisa Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac...

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles