Q.M oo qaraar ka soo saaray wax ka bedel lagu sameeyay cunaqabateynta hubka Soomaaliya ee dhawaan laga qaaday.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo saarey Qaraar Wax ka badel lagu sameeyay cunaqabataynta hubka somalia dhowaan laga qaaday.

wuxuu ku saabsan yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo si wadajir ah u ansixiyay Qaraarka 2775 (2025) si loo xoojiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Qaraarkan cusub wuxuu dib u cusboonaysiinayaa oggolaanshaha dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay baaraan maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya iyo badweynta furan, gaar ahaan kuwa laga shakiyo inay sidaan dhuxul ama hub sharci-darro ah, oo ay ku jiraan agabka qaraxyada la farsameeyo.

Sidoo kale, qaraarku wuxuu oggolaanayaa in la qabto oo la baabi’iyo waxyaabaha sharci-darrada ah ee lagu ogaado baaritaannadaas, iyadoo dhuxusha la qabto la iibin karo, lana soconayo kooxda kormeerka ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Tallaabooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada Daacish iyo  Al-Shabaab ee khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka, oo ay ku jiraan falalka argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay magaalada New York Dhigiisa Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac...

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles