Wednesday, March 19, 2025

Wasiirka Qoyska XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee kusoo dhaawacmay Hawlgallada

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay caawa ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo u badneyd dhar ka kooban Macawiisyo, go’yasl Iyo bust ayaan ayey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka wada gaadhsiisay dhammaan dhaawacyada Ciidammada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Xoogga

waxaana Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo la hadashay ciidammada ay sheegtay in geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo diintooda ay wax walba mudan yihiin ayadoo caafimaad Alle uga rajeysay.

Tallaabadan ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi deeqaha ugu qeybisay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay qeyb ka tahay ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed

oo ay Wasaaraddu deeqo kala duwan ku gaarsiineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo caawa socodka ay ku wehliyeen Wasiirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo guddiga ololaha Guddoomiye u ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa...

Qarax ka dhacay muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo...

Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay

Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles