Wednesday, June 24, 2026

R/Wasaare Xamsa iyo hay’addaha ammaanka oo ka shiray sugida Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.

Hey’adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii hey’addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku ammaanay hey’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray hey’adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles