Xiisad dagaal oo ka taagan deegaano ka tirsan Mudug.

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa labo maleeshiyo beeleed ay maanta ka taagan deegaano hoostaga degmada Afbarwaaqo ee gobolkaasi.

Xiisadan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay dagaal qaraar uu deegaanka Buq-qalooc uu ku dhexmaray labada Maleeshiyo beelood. Waxaana dagaalkii shalay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday 10 qof, halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xiisadan u dhexeysa labada beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug gaar ahaanna degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa maalmahan isku hor fadhiyay deegaanadaasi, waxaana weli taagan xiisadda dagaalkaasi oo marar kala duwan soo noq noqday islamarkaana aan weli xal dhammaystiran laga gaarin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles