Sida ay sheegayaan wararka Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Deegaankaan ciidamada dheeraad ah geysay dowladda ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan weerarada ka geysteen maleeshiyaadka Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada la geeyay deegaanka Cadaan Laxeey oo hoostagta magaalada Ruunirgood ayaa ah cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.
Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa ku sugan Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha ciidanka dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute , waxayna halkaasi ka wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.