Soomaaliya oo dhex dhexaadinaysa dhinacyada isku hayo Suudaan

Wasiiru- dowladaha wasaarada arrimaha dibeda Dowladda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sku dayayso inay gogol nabadeed u fidiso dhinacyada isku haya Suudaan, si loo soo afjaro colaadda ka aloosan dalkaas, sidaasina waxaa uu ka sheegay hadal uu ka jeediyay mar uu ka hadlayay dagaallada ka socda Suudaan.

Wuxuu tilmaamay in Suudaaniyiintu ay kalsooni ku qabto doorka Soomaaliya ee dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya dalkooda, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu raadinayo xal waara.

Waxaan rajaynaynaa inaan dhawaan magacowno ergay gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya. Dalal waaweyn ayaa nala soo xiriiray, naguna dhiirrigeliyay inaan door ka qaadanno xal u helista colaadda Suudaan,” ayuu yiri Cali Balcad.

Sidoo kale, wasiiru-dowlaha ayaa tilmaamay in xaaladda Suudaan ay hortaallo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse Soomaaliya ay dareemayso masuuliyad gaar ah maaddaama labada dal ay wadaagaan xiriir qotodheer oo dhanka diinta, Afrikaannimada iyo Carabtinimada ah.

Balcad wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay awood u leedahay inay la fariisato dhinacyada isku haya Suudaan si loo abuuro jawi nabadeed, isaga oo xusay in Soomaaliya ay leedahay khibrad la xiriirta burburka iyo dagaallada, taasoo gacan ka geysan karta dadaallada lagu dhisayo nabadda Suudaan

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ururka Qareennada Soomaaliyeed oo ka horyimid Habraac lagu Nidaaminayo Mihnadda Qareennimada

Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga horyimid...

Dowladda Soomaaliya oo saraakiil iyo Ciidamo dheeraad ah geysay Baydhabo

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo geysay saraakiil iyo ciidamo...

Deni“Heshiis kasta oo naga dhexeeyey Federaalka waa la laalay”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay go’aan...

Dood ka taagan xubinta cusub ee ururada Bulshada ee guddiga doorashada

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in tartan iyo...

Laftagareen oo Hakiyay Duulimaadyada Ciidamada iyo Agabka Ciidan ee Baydhabo

Xubnaha taabacsan madaxweynihii hore ee KGS Cabdicasiis Laftagareen ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles