Monday, September 1, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya iyo Ujeedkooda oo la helay

Sida ay ku waramayaan warbaahinta Itoobiya Ciidamadii ugu badnaa oo oo Itoobiyaan ah ayaa soo galay gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo aan la qiyaasin tiradoodaย  rasmi ah, waxaana la sheegay in ay wateen gaadiid dagaal iyo hub culus, waxaa ayna ku sugan yihiin deegaanka Feerfeer ee G/Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ayย  fariisin ka dhigan doonaan ย deegaano ka mid ah Hiiraanย  iyo Shabeellada dhexe, waxaa aynaย  qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.maadaama maalmihii la soo dhaafay weeraro rogaal celin ah ku soo qaaday deegaanada Shabeellaha Dhexe.

Habeeno ka hor ย ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaddib codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin Howlgalla cusub ee AUSSOM, waxaana sidoo kale kaalin ka qaadan doonaan duqeymaha lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ma jiro weli war ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka hadasho ciidamada Itoobiyaanka ee soo galay Soomaaliya iyo waxyaabaha ay qaban doonaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa xiligan waxaa ay ku suganย  gobolladii ay horey uga howlgalayeen ee Soomaaliya, sida Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles