Saturday, August 15, 2026

Somaliland oo dil toogasho ah ku fulisay Rag horay u dilay Sarkaal iyo Askari

Xukuumadda Somaliland ayaa dil toogasho ah ku fulisay Shibil Saalax Isaaq, oo Gabiley ku dilay Buux Mawliid Ismaaciil, oo ahaa askari booliis ah, iyo Maxamuud Cali Nuur, oo dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska ee Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cali Cabdi Nuur.

Dilkan qisaasta ah, oo la fuliyey saaka aroornimadii hore, ayaa ka dhacay nawaaxiga Xabsiga Dhexe ee Madheera, ee gobolka Saaxil. Dilka ayaa la fuliyey kadib markii Maxkamadda Ciidamadu ay si buuxda ugu heshay dambiyada ay geysteen.

“Xeer-Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qaranka JSL ayaa saaka fulisay qisaasta gacan-ku-dhiiglaha Ex-Askari Maxamuud Cali Nuur, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, iyo gacan-ku-dhiiglaha Shibil Saalax Isaaq Muxumed, oo loo qisaasay Marxuum Ex-Askari Booliis Buux Mawliid Ismaaciil,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska.

Qisaastan, oo noqotay tii ugu dhakhsaha badnayd ee la fuliyo, ayuu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, shalay qalinka ku duugay si loo oofiyo qisaasta Shibil iyo Maxamuud, kadib markii ehelada askartii ay raggani dileen ay codsadeen in qisaasta la dedejiyo.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa shalay saxiixay warqadda xukunkaan toogashada maanta lagu fuliyay wuuna soosaxiixay iyada oo ugu dambeyn xukunkii toogashada ah lagu fuliyay labadii gacan ku dhiigle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles