Sunday, January 25, 2026

Duqeyn ka dhacday G/Sh/Dhexe iyo wararkii ugu dambeeyay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin degmada Al-Kowthar ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Wararkka ayaa sheegaya in  duqeynta lagu dilay maleeshiyaadka iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, sida ay sheegeen  dadka deegaanka.

Warar hor u dhac ah oo la helay ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay Hor-jooge ka tirsanaa Maleeshiyadda Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Biyoow Gaafoow iyo Ciidamo oo la socday oo uu meel fagaare ah uu kula hadlayay, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiso khasaaraha ka dhashay duqeymaha ka dhacay degmada Al-Kowther ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay duqeymo culus oo lala beegsanayo meelaha ay ku dhuumaaleysteen kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles