Thursday, April 30, 2026

Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay tiro hoobiyeyaal ah ay ku garaaceen gudaha degmadaasi.

In ka badan 10 hoobiye ayaa la sheegay in ay ku dhaceen xerada ciidmada dowladda ay ku leeyihiin degmada, Buundada iyo xaafado kala oo ka tirsan degmadasi, sida ay Risaala u sheegeen saraakiisha ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha lagu weeraray degmada, iyadoona la soo werinayo in ciidamada ammaanka ay baaritaano xoog leh ay ka wadaan gudaha degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in suuqa degmada Afgooye maanta lagu kala cararay, kadib markii dadka ay soo wajahday baqdin xooggan.

Degmada Afgooye ayaa waxaa waxaa ku sugan taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, iyadona hadda degmada ay ka socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada madaafiicda lagu weeraray degmada Afgooye.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles