DFS oo dalka ku soo celisay Tahriibayaal laga keenay Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta caasimada Muqdisho ku soo celisay 145 qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo tacadiyo loogu geystay dalka Liibiya.

Sidoo kale 37 ka mida dhallinyaradan ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, halka 108-da kale goor dhoweyd lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Isxaaq Maxamuud Mursal “Dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay dalka dib ugu soo celiso cid walba oo duruuf adag kala kulanta tahriibka ,maanta waxaan soo dhoweynay dhallinyaro aan ka keenay dalka Liibiya.”

Dowladda Federaalka ayaa horay ugu guuleysatay dib usoo celinta tahriibayaal intooda badan lagu xiray Dalka Liibiya kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhibaatooyinka ay ka dhaxleen ciqaabta ay ku mareen xabsiyadii lagu xiray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles