Thursday, July 31, 2025

Guddoomiyaha midowga Afrika oo socdalakiisa Soomaaliya soo gabangabeeyey

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka sagootiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay dalka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa Intii uu ku sugnaa Muqdisho, kullamo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo dadaallada nabadda iyo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Midowga Afrika booqashadiisa iyo doorka Midowga Afrika ee nabadda iyo horumarka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, iyo horumarinta dhaqaalaha.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles