Monday, January 26, 2026

Al-shabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo deegaanka Masaajid Cali gaduud ee gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka shabeelada Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo werinayo inuu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud laga dilah xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, inkastoo weli aan si rasmi ah loo helay tiro koob sax ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka wadaan deegaanka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaafin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Kooxda ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan iska kaashanayaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg...

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin...

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka...

Soomaaliland oo beenisay in ciidan Shisheeye ay ku sugan yihiin Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles