Wednesday, April 29, 2026

Al-shabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo deegaanka Masaajid Cali gaduud ee gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka shabeelada Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo werinayo inuu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud laga dilah xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, inkastoo weli aan si rasmi ah loo helay tiro koob sax ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka wadaan deegaanka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaafin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Kooxda ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan iska kaashanayaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles