Ciidamada ammaanka oo Xabsiga dhigay Madaxweyne ku xigeenka Koofurta Suudan

Madaxweyne ku-xigeenka Koofurta Suudaan, Riek Machar ayaa xalay xabsiga la dhigay, kaddib markii ay gurigiisa weerarreen ciidan wata 20 gaari oo kuwa gaashaaman ah , sida ay baahiyeen warbaahinta Sudan iyo Al-jazeera.

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa ay la wareegeen hubkii ay heysteen ilaalada madaxweyne ku-xigeenka , sida lagu baahiyay warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Riek Machar.

Warxaafadeedka ayaa lagu sheegay in sheegay inaysan garanayn halka la geeyay Machar, waxayna xarigiisa ku sheegeen tallaabo xad-gudub ah.

Xarigga Riek Machar, ayaa dib usoo celiyay walaaca laga qabo dagaal sokeeye oo mar kale dib ugu qarxa Koofurta Suudaan., Xilli safaaradda Mareykanka iyo safaaradaha kale ay durba billaabeen inay shaqaalahooda kala baxaan magaalada Jubba.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo saartay digniin la xiriirta in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan uu sabab u noqdo dagaal burbur u horseeda Koonfurta Suudaan, waxaana loogu baaqay labada dhinac wada-hadal inay dhammeeyaan khilaafka.

Waxaa la soo sheegayaa in madax badan oo sare oo ka tirsan Koonfurta Suudaan ay ka warheleen xariga Machar, taasoo keentay in heshiiskii nabadda uu halis galo, isla markaana ay dalka ka dhalato hubanti la’aan siyaasadeed.

Xiisadda ka alloosan Koofurta Sudan ayaa sii xumanaysa tan iyo markii uu gobalka Upper Nile uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyad sida la shegay tabacsan madaxweyne ku-xigeenka Machar, iyada oo dowladdu ku eedeysay xisbiga SPLM-IO in ay lug ku leedahay dagaalkaasi.

Xariga Machar ayaa abuuray walaac weyn oo ku aaddan xasilloonida heshiiskii nabadeed ee 2018, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee muddada dheer socday

WARARKII KALE

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo Anshax Xumada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta...

14-ka Oktoobar: Xusuusta qaraxii Soobe iyo maalintii Muqdisho ay murugadu qarisay

14-ka Oktoobar waa maalin murugo leh oo taariikhda Soomaaliya...

Jadwal doorasho oo la ogyahay cida noqonaysa hoggaanka Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay in 22-ka October la qabanayo...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar lagu Taabbo-gelinayo Dastuurka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul...

Netanyahu oo wajahaya Cadaadis sii kordhaya toddobaad ka hor doorashada Israa’iil

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in madaxa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles