Thursday, June 18, 2026

Taliyaha NISA oo gaaray Aadan Yabaal iyo duqeymo ka socda G/Sh/Dhexe

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta gaaray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka tagista Sanbaloolshe ayaa ah siddii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo culeys hor leh soo saaray aaggaga dagaalka Gobolka Sh/Dhexe.

Agaasime Sanbaloolshe ayaa ka tegay magaalada Muqdisho oo maalmahan uu ku sugnaa, isagoo kulamo la lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wakiilada dalalka milateri ahaan taageera Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa kulamo iyo abaabul dagaal oo xoog leh ka bilaabaya degmada Aadan Yabaal, isagoo la kulmi doona saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka eek u sugan degmadaasi.

Degmada Aadan Yabaal oo hadda ah xarunta ugu weyn ee ciidamada dowladda ayaa waxaa ku sugan taliyeyaasha ciidamada dowladda, ciidamo fara badan oo isugu jira Milateriga, Booliska iyo Macawisleyda.

Sarakiisha dowladda ayaa laga soo xigtay in maalmahan soo socda wax weyn laga bedeli doono istiraatijiyada dagaalka Sh/Dhexe, iyadoo qeybta ugu weyn ay qaadan doonaan diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada dowladda.

Dhanka kale, wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in duqeymo culus ay ka socdaan degaanada u dhow Masaajid Cali gaduud oo maleeshiyaadka Al-shabaab ay shalay soo galeen, waxaana si gaara loo beegsanayaa goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha iyo Gaadiidka dagaalka Al-shabaab.

Qeybaha kala duwan ee Taliyeyaha ciidamada dowladda ayaa intooda badan ku sugan Gobolka Sh/Dhexe, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta u dhoofay dalka Turkiga oo la sheegay inuu taageero milateri u doontay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles