Wednesday, July 2, 2025

Taliyaha NISA oo gaaray Aadan Yabaal iyo duqeymo ka socda G/Sh/Dhexe

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta gaaray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka tagista Sanbaloolshe ayaa ah siddii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo culeys hor leh soo saaray aaggaga dagaalka Gobolka Sh/Dhexe.

Agaasime Sanbaloolshe ayaa ka tegay magaalada Muqdisho oo maalmahan uu ku sugnaa, isagoo kulamo la lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wakiilada dalalka milateri ahaan taageera Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa kulamo iyo abaabul dagaal oo xoog leh ka bilaabaya degmada Aadan Yabaal, isagoo la kulmi doona saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka eek u sugan degmadaasi.

Degmada Aadan Yabaal oo hadda ah xarunta ugu weyn ee ciidamada dowladda ayaa waxaa ku sugan taliyeyaasha ciidamada dowladda, ciidamo fara badan oo isugu jira Milateriga, Booliska iyo Macawisleyda.

Sarakiisha dowladda ayaa laga soo xigtay in maalmahan soo socda wax weyn laga bedeli doono istiraatijiyada dagaalka Sh/Dhexe, iyadoo qeybta ugu weyn ay qaadan doonaan diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada dowladda.

Dhanka kale, wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in duqeymo culus ay ka socdaan degaanada u dhow Masaajid Cali gaduud oo maleeshiyaadka Al-shabaab ay shalay soo galeen, waxaana si gaara loo beegsanayaa goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha iyo Gaadiidka dagaalka Al-shabaab.

Qeybaha kala duwan ee Taliyeyaha ciidamada dowladda ayaa intooda badan ku sugan Gobolka Sh/Dhexe, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta u dhoofay dalka Turkiga oo la sheegay inuu taageero milateri u doontay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles