Tuesday, January 27, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Turkiga iyo xogta safarkiisa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalkaTurkiga, halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili Soomaaliya la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu Turkiga kusoo saxiixaya heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdi ka socda Talyaaniga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay in ay si degdeg...

Al-shabaab oo weerar ka fulisay Gaarisa

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka deegaanka iyo macallin...

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles