Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmey taliyaha hawlgalada gaarka ah ee Barriga Afrika

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku qaabilay taliyaha  dowladda Maraaykanka u qaabilsan hawlgallada gaarka ah ee bariga Afrika, Kornayl David Haskell, kaas oo booqasho ku tagay Kismaayo.

Kulanka dhexmaray labada masuuul ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka  ah Alshabaab.

“Waxaan ka wada hadalnay dadaaladii ugu dambeeyay ee soo cusboonaaday ee ugu dambeeyay ee lagu guuleystay xoreynta degaano cusub oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ee Jubaland, waxaana ku boorrinay dowladda Mareykanka inay gacan ka siiso shacabka Soomaaliyeed sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta,” ayuu madaxweyne Axmd Madoobe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Kornayl David Haskell uu bogaadiyay howlgallada lagu xoreeyay deegaanka buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Jubbaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Khawaariijta.Taliyaha Hay’ada Sirdoonka Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid ayaa kulan qeyb ka ahaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles