Thursday, April 30, 2026

Putin oo soo jeediyey in dawlad KMG ah loo sameeyo Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay suurtogalnimada in la sameeyo dawlad ku meel gaadh ah oo laga sameeyo dalka Ukrayn, iyada oo loo marayo kormeerka Qaramada Midoobay.

Putin oo ka hadlayay magaalada ku taalla waqooyi-galbeed ee Murmansk, ayaa sheegay in “maamul cusub oo ku meel gaadhka ah oo laga sameeyo Ukrayn ” uu qaban doono doorashooyin si loo doorto dawlad cusub oo dib u bilaabi karta wadahadallo nabadeed.

Waxa uu ku dooday in ciidammada Ruushka ay hayaan waxa uu ugu yeedhay “hal-abuurka istiraatiijiyadeed” ee furimaha hore ee dagaalka ee Ukrayn, isla markaana ay “dhammayn karaan.”

Dhanka kale, afhayeen ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ayaa u sheegay Reuters in maamulka Ukrayn looga baahan yahay in ay ilaaliso dastuurka iyo shacabka dalkaas.

Arrintan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyayaasha Yurub ay shalay ku kulmeen Paris si ay uga wada hadlaan arrimaha Ukrayn, kulan uu qayb ka ahaa Madaxweynaha Volodymyr Zelensky.

Zelensky ayaa sheegay in qof walba oo ka qayb galay kulankaasi uu garowsaday “in Ruushku aanu oggolayn hannaan kasta oo nabad ah” taasi beddelkeedana uu “dagaalka sii dheeraynayo,” isagoo intaas ku daray in ay ka wada hadli doonaan dammaanad-qaadyada amniga maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles