Wednesday, September 3, 2025

Howlgal iyo duqeymo ka socda G/Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya G/Sh/Hoose ayaa sheegaya in saaka  duqeymo iyo howlgallo culus ay ka socdaan, Kaasi oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada ka tirsan gobolkaasi.

Deegaanada howlgalka ka socda ayaa waxaa ka mid ah Sabiid iyo Caanooole, maadaama maalmo ka hor ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay gudaha u galeen deegaanadaasi, kadib markii ay ciidamada dowladda ay isaga soo baxeen deegaanadaasi.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii dhawaan taliyaha ciidamada xoogga uu amar ku bixiyay in ciidamada ay dib ugu laabtaan deegaanada ay ka soo ka soo baxeen.

Duqeymahaan ayaa yimid xilli xubno Al-shabaab ay isku uruursanayeen bannaanka deegaannadaas sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo howlgalada ka socda deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan Sabiid iyo Caanoole.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga ay gudaha u galeen deegaanka Sabiid iyo Canoole, islamarkaana weli uu socda howlgalka iyo duqeymaha.

WARARKII KALE

Mareykanka oo weeraray markab daroogo siday

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku uu...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Midowga Yurub iyo Nederland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga...

Taliyaha AFRICOM oo AUSSOM iyo Jabuuti kala hadlay dagaalka Argagixisada

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka...

DFS oo sheegtay in howlgal lagu dilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsana Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa...

Madaxda Mandheere oo weli ka walaacsan ciidanka Jubbaland ee ku sugan gudaha Magaalada

Qaar kamid ah Mas’iiliyiinta laga soo doortay magaalada Mandheera...

UK oo shaacisay in ay si kumeel gaar ah u joojineyso habka muhaajiriinta ay ku keenaan qoysaskooda

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in ay si kumeel...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles