Wednesday, July 2, 2025

Qaramada Midoobay oo albaabada u laabeyso xarumaha rootiga lagu sameeyo ee Qasa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ku qasban tahay inay xirto dhammaan xarumaha lagu sameeyo rootiga ee Gasa, sababtuna tahay bur yaraanta ka dhalatay go’doominta Israa’iil ee dhulkaas. Xarumahan ayaa muhiim u ahaa quudinta kumanaan qof oo reer Qaza ah . Israa’iil ayaa joojisay in muddo ah gargaarkii Qaza soo gali jiray.

Dhanka kale dowladda Israa’iil ayaa isku dayaysa inay iska difaacdo dilkii shaqaale caafimaad oo lagu dhex dilay gaari kuwa gurmadka degdega ah.

Afhayeen u hadashay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa sheegtay in xidhitaankan ay saamayn doonto boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku tiirsan roodhida la dubo.

Israa’iil ayaa go’doominta bilowday horraantii bishii hore si ay u kordhiso cadaadiska Xamaas ay ku doonayso in ay sii deyso la haystayaasha Israa’iil.

Joojinta gargaarka ayaa waxaa ay imika ka digayaan hay’adaha arrimaha bina’aadanimada in ay dhibaato wayn ka dhalan karto.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa isku dayay inay difaacaan falkii ay ka geysteen Gaza todobaad ka hor markii ciidamadooda ay rasaas ku fureen kolonyo gaadiid ah, halkaasi oo ay ku dileen shan iyo toban ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, shaqaalaha difaaca rayidka iyo shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles