Monday, August 17, 2026

Trump oo ku dhawaaqay dagaal ganacsi oo ka dhan ah adduunka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa bilaabay dagaal ganacsi oo ka dhan ah adduunka, ka dib in ka badan laba bilood oo ay socotay qabanqaabada xafladda ku dhawaaqista canshuurahan.

Khudbad uu ka jeediyay Rose Garden ee Aqalka Cad, ayuu ku sheegay ,in taariikhda lagu xasuusan doono maalinta xorriyadda marka barwaaqadu ay dib ugu soo noqoto Ameerika.

Trump waxaa uu sheegay inuu canshuuro cusub ku soo rogayo badeecooyinka Mareykanka ka soo gala dalalka kale ee caalamka

Dhaqaalayahanada ayaa ka digay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan hanaanka ganacsiga ee caalamka .

Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in noloshu ay hadda ku adkaan doonto qof walba, oo ay ku jiraan dadka Mareykanka ku nool, kuwaas oo bixin doona canshuuraha alaabaha dibedda laga soo dhoofiyo ee uu soo rogay Trump.

Trump wuxuu aaminsan yahay in xannibaadaha ganacsigu ay ku qasbi doonaan saaxiibbadiisa iyo cadawgaba in aanay le gelin heshiisyo, marka loo eego heshiisyo dhaqaale iyo kuwo dhulba.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

DFS oo war ka soo saartay Dagaalka Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles