Mareykanka iyo Ruushka oo ka wada hadlaya inuu dib usoo laabto xiriirka labada dal

Wakiillo ka kala socda Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku kulmi doona Istanbul maalinta Khamiista ah. Waa tallaabo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la caadiyeeyo hawlaha safaaradaha labada dal, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Wada xaajoodkan, oo lagu qaban doono qunsuliyadda Ruushka ee caasimadda Turkiga ayaan lagu soo qaadi doonin arrimaha siyaasadeed iyo kuwo amni, sida uu Maraykanku sheegay.

“Ajendaha kuma jirto Ukraine gebi ahaanba,” ayuu yidhi afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda, Tammy Bruce.

Dhinaca Ruushka waxa wadahadalkan hoggaamin doona safiirkooda cusub ee Maraykanka, Alexander Darchiev, halka waftiga Maraykanka ay hor kacayso ku-xigeenka xoghaya guud ee Arrimaha Dibadda, Sonata Coulter, sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Washington iyo Moscow, mid walba waxa ay eriday dhowr diblomaasi iyaga oo xaddiday magacaabista danjirayaal cusub. Xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa gebi ahaanba burburay kaddib markii Ruushku uu duullaan xoog badan ku qaaday Ukraine sannadkii 2022.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles