Ciidamo iyo wafdi hor dhac u ah RW xamsa oo gaaray lascanood.

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Diyaarad gaar ah oo siday wafdiga horudhaca u ah safarka Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo ciidamada ilaalada gaarka ah u ah ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood, waxaana wafdiga iyo ciidanka la socda la geeyay goobaha loogu tala galay in la dejiyo Xamse Barre.

Ciidamada ayaa baaritaanno kusii sameenaya siina adkeenaya amniga goobaha loogu tala galay in Ra’isul Wasaare Xamse Barre la dejiyo sidoo kale la geeyo, waxa ay sidoo kale wafdiga horudhaca ah sii diyaarinayaan qorshaha safarka Xamse.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa in uu tago magaalada Laascaanood, waxa uuna halkaasi kulamo kala duwan kula qaadan doonaa madaxda maamulka Khaatumo, garaadada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Safarka Xamse Barre ku tagayo magaalada Laascaanood, ayaana ah mid si weyn loo wada sugayo, waxaana safarkaasi si weyn uga soo horjeeda ugana digtay in Laascaanood yimaado Ra’isul Wasaare Xamse maamulka Somaliland oo horey magaaladaasi looga saaray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles