Tuesday, June 16, 2026

Iiraan oo shuruudo adag ku xidhay wada-hadalka nukliyeerka iyo Trump oo u hanjabay

Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dalka Maraykanka oo aaddan barnaamijkeeda nukliyeerka oo lagu wado in uu dhici doono maalinta Sabtida ee toddobaadkan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi.

Laakiin Madaxweyne Donald Trump waa inuu marka hore oggolaadaa aanay jirin “tallaabo millateri,” ayuu yidhi Araghchi, wuxuuna intaa ku daray in Iraan aanay “weligoeed cadaadis aqbali doonin.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadallada ka dhici doona Cummaan ay noqon doonaan kuwo dadban, taasi oo lid ku hadalka uu Trump Isniintii sheegay ee ahaa in iyaga iyo Iiraan ay u wada hadli doonaan si toos ah.

Trump oo ka baxay heshiiska nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo quwadaha caalamiga ah sannadkii 2015-tii ayaa ku gooddiyay in Iiraan ay ku wajihi doonto “khatar weyn” haddii aanay wadahadalladu guulaysan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid...

DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay...

Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u...

Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles