Monday, May 25, 2026

Soomaaliland oo ka hadashay sida ay ka yeelayso Maxaabiista ay ka qabtay SSC Khaatuma

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in siideynta maxabiista ay ku qabteen dagaalkii magaalada Laascaanood ay mar walba raaci doonaan hab-raacyo islamarkana ay horey qaar ka mid ah ay u siidaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo u waramayay BBC ayaa sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgartaan dadkii ay tahay inay kala hadlaan.

Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto xaaladda Maxaabiis laga sii daayey Magaalada Laascaanood oo lagu hayo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed ayaa ugu baaqay Dawladda Soomaaliya in ay Maxaabiista ay hayso ku wareejiso Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha Maxaabiista sida ICRC, iyada oo raacayso shuruucda caalamiga ah.

Mr Yoonis ayaa dhanka kale sheegay in maxaabiistaasi aysan qaar kood ahayn askar balse ay ahaayeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah oo laga “afduubay” deegaanada bariga Sool.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo hor istaagtay dadkii maanta u safri lahaa dalka Masar

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Xuseen Iidow ayaa maanta...

Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo cambaareeyay safaarada Somaliland ay ka furanayso Qudus

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee 14 dal oo Carbeed iyo...

Booliska oo gacanta ku dhigtay eedeysane loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay Hiiraan

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo...

Kooxo Burcad-badeed Soomaali ah oo kordhiyay weerarrada Gacanka Cadmeed

Warbixin cusub oo ay daabacday warbaahinta badda ee Maritime...

Turkiga”Dalal ka tirsan Geeska Afrika ayaa codsanaya qaabka iskaashiga amni ee aan ka hirgelinnay Soomaaliya”

Wasiirka Difaaca Turkiga, Yaşar Güler, ayaa shaaca ka qaaday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles