Wednesday, December 24, 2025

Rag loo maleynayo in ay ka tirsan Yihiin Al-shabaab oo dad ka afduubtay Mandheere

Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen labo qof oo saarnaa gaari marayay inta u dhaxeysa Wargaduud iyo Ceelwaaq, oo ka tirsan ismaamulka Mandheera.

Mid ka mid ah dadka la afduubtay ayaa ahaa farsamayaqaan u shaqeynayay shirkad isgaarsiineed, halka kan kalena uu ahaa darawal. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in darawalkii ay kooxdu sii daayeen, iyadoo farsamayaqaan kii iyo gaarigii uu watay ay haatan ku jiraan gacanta kooxdii afduubka geysatay.

Ilo-wareedyo deegaanka ah iyo mas’uuliyiin ammaanka ku sugan ayaa sheegaya in ay aad u suuragal tahay in dableyda afduubka fulisay ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo marar badan weerarro iyo afduubyo ka gaystay xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan gobolka Mandheera.

Waxaa la tuhunsan yahay in ragga afduubka geystay ay dhinaca Soomaaliya ula gudbeen ninka farsamayaqaanka ah, taas oo sii adkeyneysa dadaallada lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo.

Laamaha ammaanka ee gobolka Mandheera iyo ciidamada Kenya ayaa bilaabay baaritaanno iyo howlgallo la xiriira dhacdadan, iyagoo la kaashanaya hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya si loo helo xog dheeraad ah oo ku saabsan halka la geeyay qofka la afduubtay.

Taliska booliiska gobolka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay dib u helaan shaqsiga la qafaashay, ayna la shaqeynayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga ee caalamiga ah.

Dhacdadan ayaa cabsi ku abuurtay dadka deegaanka iyo shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala xuduudda labada dal. Waxaa sidoo kale sare u kacay baaqyada la xiriira in la xoojiyo amniga, si looga hortago falal noocan oo kale ah oo saameynaya shaqaalaha rayidka ah iyo adeegyada muhiimka ah.

Afduubkan ayaa markale iftiiminaya halista sii kordheysa ee ay kooxaha hubeysan ku hayaan deegaannada xuduudka ah, gaar ahaan marka ay beegsadaan shaqaalaha rayidka ah iyo kaabeyaasha adeegyada

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda arrimaha gudaha oo bogaadisay doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku...

Booliska oo soo bandhigay ciidamadii sugi lahaa doorashada

Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ciidamo tiro badan...

Kenya oo ka hadashay dil Gaarisa loo geystay muwaadin Soomaaliyeed

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DF

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Dharkenley, ayaa gacanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles