Puntland oo walaac ka muujisay in gargaarka lagu xiro kaarka aqoonsiga DFS

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah uga horyimid qorshe ay sheegtay in lagu doonayo in gargaarka bani’aadantinimo lagu xiro isticmaalka kaarka aqoonsiga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Sida ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland (MoHADM), arrintan waxay qeyb ka tahay wada-hadallo ay yeesheen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA).

Puntland waxay sheegtay in qorshahani uu yahay mid liddi ku ah mabaadi’da gargaarka bani’aadantinimo iyo madax-bannaanida dastuuriga ah ee dowlad goboleedyada. War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in isku day kasta oo lagu doonayo in dadka barakacayaasha ah lagu diiwaangeliyo qaab amaba nidaam dowladda federaalka ka imaanaya, uu yahay mid aan la aqbali Karin, waxaa ayna ka soo saartay qodobadan:-

 

  1. In aan gargaarka loo adeegsan siyaasad – Gargaarka waa in uu ahaadaa mid ku saleysan baahi, kana madax bannaan dano siyaasadeed.
  2. In la ilaaliyo awoodaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedyada – Puntland waxay sheegtay in isku day kasta oo la isku dayo in lagu hoos geeyo awoodaha Federaalka uu yahay mid khilaafsan Dastuurka KMG ah.
  3. In deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ay door ka qaataan ilaalinta mabaadi’da gargaarka – Puntland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha gargaar bixiya in aysan ogolaan in gargaarka loo maro waddooyin siyaasadaysan.

Wasaaradda Gargaarka Puntland waxay si cad ugu baaqday hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta daahfurnaanta gargaarka. Waxay ku celisay inay diyaar u tahay wada shaqeyn furan iyo ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyadoo aan faragelin lagu sameyn nidaamyada ay Puntland mas’uulka ka tahay.

AKHRISO WARQADA KA SOO BAXDAY PUNTLAND.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles