Thursday, July 2, 2026

Maxaa ka soo kordhay dagaalka Wargaadhi iyo Xog dheeri ah

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo saaka ka dhacay degaanka istaraatiijiga ah ee Wargaadhi ee gobolka Shabeelada dhexe, halkaas oo ay saldhigyo muhiim ah ku leeyihiin Ciidanka Xoogga, siiba kuwa Danab.

Weerar culus oo saaka waaberigii ay kooxda Al Shabaab ka soo qaadeen dhowr jiho ayaa sababay dagaal xooggan oo muddo saacado ah socday.

Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay degaanka Wargaadhi oo qasaare xoog leh ay gaarsiisay ciidamadii dowladda ee ku sugnaa.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar oo La sheegay inuu hoggaaminayey ayey Warbaahinta Dowladda kasoo xiagtay in ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay si buuxda u jebiyeen kooxda Al Shabaab, isla markaana ay gacanta ku hayaan guud ahaan deegaanka Wargaadhi.

Alshabaab ayaa la xaqiijiyay inay weerarkii hore ee saaka gudaha u galeen qeybo ka mida Wargaadhi, isla markaana ay gubeen xarumaha qaarkood; balse Xogta laga helay ayaa sheegeysa in dagaal culus oo rogaal celin ah ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, dibna ula wareegeen degaanka Wargaadhi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay duqeyn dhinaca cirka ah lagu qaaday Shabaabkii soo weerraray Wargaadhi. Meydad badan ayaa lasoo weriyay inay magaalada iyo daafaheeda lagu arkay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa qoraal kooban uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri: “Khawaarijta maydkooda ayaa daadsan Wargaadhi”

Deegaanka Wargaadhi oo ku yaalla dhanka xeebta gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ah goob istiraatiiji ah oo ay saldhigyo iyo garoon ciidan ku leeyihiin guutooyinka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaas oo door weyn ku lahaa difaaca deegaanka maanta.

Qabshadaha Alshabaab ee Wargaadhi ayaa halis ku ahayd jidka xeebta iyo isu socka Muqdisho ilaa Xarardheere iyo sidoo kale degaanada Nuur Dule iyo Caddaan-laxey oo ka mida degaanada ay gacanta ku hayaan dadka degaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles