Tuesday, August 18, 2026

Muwaadiniin Soomaali ah oo ku dhintay duqeyn Mareykanku ka fuliyay Yemen

Ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku dhintay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen xarun ay Xuutiyiintu maamulaan oo ku taalla magaalada Sacda ee waqooyiga Yemen. Xaruntaas oo ahayd meel lagu hayo muhaajiriinta doonayay inay galaan Sacuudi Carabiya, ayaa la duqeeyay xilli hore oo aroor ah.

Ibraahim Cabdulqaadir Macallin, oo ka mid ah Soomaalida ku nool Yemen, ayaa BBC-da u sheegay in goobta la duqeeyay laga soo qabtay muhaajiriin doonayay inay xadka ka gudbaan, kuwaasoo loo diyaariyay in dib loo tarxiilo. Wuxuu sheegay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 90 qof, halka dhaawacuna yahay 25. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in 3 ilaa 4 qof oo Soomaali ah laga yaabo inay ku jireen dadka wax ku noqday, inkastoo aan la xaqiijin tiradooda rasmiga ah.

Xuutiyiinta waxay sheegeen in weerarka lagu dilay dad rayid ah iyo tiro yar oo dagaalyahanno ah, halka wararka qaarna ay sheegayaan in boqollaal xubnood oo ka tirsan Xuutiyiinta la laayay. Duqeyntan ayaa qayb ka ah dagaalka sii xoogeysanaya ee gobolka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan xuduudaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles