Monday, April 27, 2026

Mareykanka oo jartay lacag loogu tala galay Gargaarka Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa jaratay $170 milyan oo gargaar ahaa oo loogu talagalay Soomaaliya, sida uu sheegay urur u dhaqdhaqaaqa gargaarka oo lagu magacaabo “Stand Up for Aid”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa muujiyay in go’aankan uu sii xumeynayo saamaynta abaaraha, colaadaha, iyo sicir-bararka ba’an ee cuntada, taas oo la filayo inay gaarsiiso ilaa 4.4 milyan oo qof oo ah ku dhowaad 23% shacabka — xaalad macluul ah sanadkan 2025.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in carruurta ka yar da’da shanta sano ay noqon doonaan kuwa ugu daran ee ay saameyn doonto nafaqo-darrada, iyadoo la saadaalinayo in ilaa 1.7 milyan oo carruur ah ay la ildaran doonaan nafaqo-xumo ba’an dhammaadka sanadkan.

Hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa ka digay in hoos u dhaca deeqda Mareykanka uu durba sababtay xiritaanka qaar kamid ah xarumihii badbaadinta nolosha.

“Qofna ma filayn xaaladdan. Waxaan ku qasbanaannay inaan shaqada ka joojino ku dhawaad 150 shaqaalaheenna ah sababo la xiriira dhaqaale-xumo, sidoo kale waan xirnay xafiisyadii garoomada, taasoo si weyn u dhintay awooddeennii gaarsiinta adeegyada,” ayuu yiri Binyam Gebru, Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Save the Children ee Soomaaliya.

Binyam Gebru waxa uu intaas ku daray, in haddii aan la helin kheyraad ku filan bixinta adeegyadooda ay carruur badan dhiman doonaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo ka hadlay arrinta Hurmuz ee cakiran

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

DFS oo Puntland ku eedeysay inay rasaas u adeegsatay shacabka Badhan

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed...

Aadan Madoobe oo la isku raacay inuu xisbiga JSP u tartamo xilka madaxtinimada KGS

Kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya...

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo burcad-badeednimo

Dowladda Maraykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles