Shaqaale lagu dilay weerar ka dhacay Mandheera

Ugu yaraan shan shaqaale ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, halka laba kalena ay si xun ugu dhaawacmeen weerar hubeysan oo dabley looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ku qaadeen goob ay shaqaaluhu ku sugnaayeen tuulada Buur Abor ee Bariga Mandheera, gobolka waqooyi-bari ee Kenya.

Kooxda weerarka qaaday ayaa si lama filaan ah u hareereeyay gaari ay wateen shaqaalaha, wax yar uun kadib markii ay goobta yimaadeen, Waxaa la sheegay inay si toos ah ugu fureen rasaas culus, taasoo sababtay dhimashada shan qof iyo dhaawaca laba kale, iyadoo inta kale ee shaqaalaha oo gaaraya 25 qof ay ku guuleysteen inay goobta ka baxsadaan.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga soo wariiyo deegaankaasi, taasoo sare u qaaday walaaca dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta ku aaddan amniga gobolkaas.

Maamulka gobolka iyo laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno, iyagoo ballan qaaday in la xaqiijin doono nabadgelyada deegaanka.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay kordhiso joogitaanka ciidamada ammaanka si loo xakameeyo khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab ee ka imaaneysa xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Weerarkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli gobolka Mandheera uu horey u wajahaya dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo la xiriira weerarro isdaba joog ah oo kooxda Al-Shabaab ka fuliso xadka labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles