Monday, September 1, 2025

Xukunno lagu riday ragii ku lugta lahaa kiiska dadkii ku dhintay badda Madagaskar

Maxkamadda gobolka Banaadir , ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday rag loo heestay in ay dalka ka tahriibiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyooday badda jasiirada Madagaskar.

Kiiskan oo dhageysigiisa maalmihii lasoo dhaafay ka socotay maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta xukunno kala duwan oo xabsi ah ku riday qaar kamid ah dadkii lasoo eedeeyay, halka qaar kalana dambi lagu waayay.

Ragga lagu helay kiiskan tahriibinta ah , ayaa qaarkood lagu xukumay in ay bixiyaan megta qaar kamid ah dadkii ku dhintay badda oo ay tahriibinayeen iyo sidoo kale in ay celiyaan lacago ay ka qaateen dad kale oo iyana ay tahriibin rabeen.


Hoos ka akhriso magacyada iyo xukunka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

1-Mubaarak Maxamed Xasanย waxay maxkamaddu ku waysay wax dambi ah, waxayna baabโ€™isay damaanad uu bannaanka ku joogay, sidoo kale waxay u celisay xoriyaddiisa.

2-Maxamed Jimcaale Raagewaxay maxkamaddu ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 447 lala akhriyay 71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 4 sano oo xarig ah.

3-Maxamuud Cali Maxamedย maxkamaddu ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 447 lala akhriyay 71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 2 sano oo xarig ah

3-Cabdiwahaan Nuur Mahdiย maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 2250 oo lala sii akhriyay qodobka 45, waxayna ku xukuntay 1 sano oo xarig ah.

4-Ibraahim Cabdi Ibraahimย maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

5- Waliid Cabdullaahi Abuukarย maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

6-Cabdiqani Maxamed Caliย maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

Sidoo kale, waxaan xukun kale uu kusii dhacay dambiileyaalย Maxamed Jimcaale Raageย iyoย Maxamuud Cali Maxamedย waxaana lagu xukumay inay bixiyaan:-

1-Diyada Marxuumadย Fatxi Xuseen Calioo ah 50 halaad oo geel ah

2-Diyada Marxuumadย Binti Cali Nuuroo ah 50 halaad oo geel ah

3- Diyada Marxuumadย Laylo Cismaan Maxamedย oo ah 50 halaad oo geel ah

4-1-Diyada Marxuumadย Aamino Axmed Baasheย oo ah 50 halaad oo geel ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles